26-ka June: 63 sano kahor: Xeyle Sallaase iyo israacii Hargeysa iyo Muqdisho

0
39

Moqdisho (caalamka.net) – 63 sano ayaa laga joogaa 26 June 1960 oo ku maalintii ay Xornimada ka qaateen Ingiriiska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed. Munaasabadaasi waxaa iyadana jirtey kowdii Luulyo oo goboladii Koonfureed heeryadii gumeysigii, ka xoroobay iyo isku biiridii walaalahood Waqooyi, halkaasna ku abuurantay Jamhuuriyadii Soomaali.

Waayahaasi cad ee lasoo maray 63 sano kahor, Guushii Israacii iyo Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur 1960-kii waxay niyadda jab ku noqotay wakhtiga Gumeystihii Ingriiska oo markaas jirtey wada jirka Soomaali ay in ku wada noolaadaan, waxaase Ingiriiska kasii darnaa Boqorkii Itoobiya ee Xeyle Sallaare oo markii uu maqlay Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, beesha u muujisay sida uu ugu xun yahay israaca labada Gobol.

Boqor Xeyle Sallaase kuma ekaan inuu ka xumaado kaliye israaca Muqdisho iyo Hargeysa wuxuu Midowgii Sofiyeeti iyo Mareerey dalabtay taageero Milateri si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karto Israaca Muqdisho iyo Hargeysa, markii uu dalbaday Xeyla Sallaase Mareykanka, Ingiriiska iyo Ruushka inuu diyaar ku yahay israaca Labada Gobol.

Halgankaasi dheer ee loo soo maray iyo marxaladaha ay maleegeen Dowladdaha iyo kuwa caalamka waxaa maanta horseeda Hadimadii Xeyla Sallaase oo kale Madaxweynaha Federaalisimka ee lagu soo dhex tuuray Soomaalida, kuwa sida qaldan u diidaya oo ka biyo diidsan Soomaali mideysan awoodeedi leh, Laabtana ka jecel Gooni. isu maamulka sida Somaliland.

Burburkii dawladnimadii Soomaaliya kadib, waxaa dalku uu soo maray marxalado kala duwan, burbur, ekaaneedyo, dhaleecayn iyo dowlado jilicsan oo lugaha ay madaxda iyo maamul goboleedyo qabyaaladeysan ee magac ahaan bedelay agaasimayaashii iyo faragelinta shisheeyaha iyo boodhka.

Gobolada Waqooyi oo iyagana tashaday waxay ku dhawaaqeen inay ku dhawaaqeen dowlad madax bannaan oo 30 sano ay ku dhibtoonayaan aqoonsi aan ilaa weli u baahin inay heleen.

Soomaaliya oo isla garatay in ay qaadato nidaamka Federalism-ka lagu dhex soo tuuray ee halbeeggana loogu dhigay maamul muqaalka dalka ayaa wuxuu noqday mixno fidno ah ee la eeday. Asalkiisu wuxuu nooga yimid Shirkii Embagathi ee Meles Zenawi ku andacoonayay inuu Soomaali halkaas uga soo hortagay maamul federaal ah oo Itoobiya laga soo min guuriyay.

Soomaalida oo aan wax faham ah ka bilaabin “Waa maxay Federalism, iyo what is Federal System” ayaa lagu yiri qaata isku maamula. Puntland oo ku andacoota inay tahay hooyada , Boqorada sawirka ee awood sheegashada iyo sida qaldan u fasiraneysay 14-kii lasoo dhaafay marna ku goodineysay inay tashan doonto.

Soomaaliya maanta, waa kasoo kabaneysaa sidii hore, waxaa muuqda yadadiilo iyo horumar dhan walbo leh, waxaase aan la qaadan karin dastuurada qaldan ee nidaamka qabil ku dhisan, arrimaha Federalismka iyo kala qeybsanaanta doorashada dhexe iyo dib u habeynta qaar ee Federalismka u arka xalkooda.

Ugu horreyn, 63 sano Soomaaliya oo xor ah, waxaa muuqata rajo aan horay u soo bixin, muujina xilligaan jirta aanu dhihi karno amni daro ka imaaneysa waxaa loo qabtay dhiiga shacabka caadeystay inay daadiyaan iyo nidaamka ku dhisan ee weli dalka ka jira, balse doorashada inay la dirirto, waxaase muwaadinka Soomaaliyeed ahayaa la diriri doona madaxda sare ee warqada ku macaashay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here