Daawo Lafta-Gareen: Raxanweyn waa kuwa ugu xaasidsan uguna daciifsan ee ku jira…
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ka hadlay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay magaalada Baydhabo ayaa eedeyn yaab leh u jeediyay kuwa beesha Raxanweyn ee ku jira kooxda.
Madaxweyne Lafta-gareen oo ka hadlayay shirka Golaha Wasiirrada ee maamulka ayaa sheegay in Shabaab-ka Raxanweyn ku jira uu yahay kan ugu xaasidsan uguna daciifsan ee ku jira kooxda, marka la eego dhiggooda beelaha kale ee qeybta ka ah Al-Shabaab.
“Waxay rabaan in hooyadood iyo caruurtooda inta joogaan oo nin kale oo Soomaaliyeed uu ku qanciyo waa la cuna-qabateyna, ayagana ay ku qancaan oo raali noqdaan, halka dadkii kale ee lamidka ahaa ee iyaga la jooga dhahaan meel hebla lama cuna-qabateyn karo oo shacab ayaa jooga,” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dadka kasoo jeedo deegaankaas ee ku jira kooxda ay raali ka noqdaan go’doominta Baydhabo.
“Anaga meeshii ugu xumeyd ayuu nooga soo toosay oo dadkii ugu daciifsana ayaa noo tegay Al-Shabaab, nasiib darro waaye laakiin in aan sidaas u barano oo saas u ogaano ayaa muhiim ah,” ayuu yiri
Waxa uu intaas sii raaciyay “Nin lagu qancinaayo hooyada iyo aabaha waa la go’doomina, hooyadey iyo aabaheyna lama go’doominayo oo aan iyaga aheyn (Raxanweyn) lagama helayo Soomaali ama Shabaab.”
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli magaalada Baydhabo ay wajaheyso xaalad adag oo ay sababtay go’doomin ay magaalada ku sameeyeen kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.
Ganacsatada magaalada Baydhabo oo raashinka uga soo dego dekedda magaalada Muqdisho ayaa awoodi la’ inay magaalada galiyaan badeecada, waxaana muddo toban cisho ka badan xayiran dhamaan gaadiidkii adeegyada u siday magaalada Baydhabo.
Jihooyinka oo dhan ayay fadhiisteen. Arrintan ayaa sababtay inay wax walba saddex jibaar kor u kacaan xaga qiimaha. Boqolaal kun oo barakacayaal ah ayaa sidoo kale degan magaaladaan, waana dhibaato horleh go’doominta iyo cuna-qabateynta ay argagixisada ku sameysay magaalada Baydhabo.
Si kastaba, Waa markii koowaad oo ay magaalada Baydhabo sidaan ku sameeyaan laakiin deegaanada kale ee Koonfur Galbeed sida; Xudur, Waajid iyo Ceelbarde ayay hore sidan oo kale u cuna-qabateeyen.
Kooxda ayaa la sheegay inay ka caratooy in la xiray macalimiin iyo maamulayaal iskuul iskugu jira oo ajiibay amar u yeeris ah oo kaga yimid kooxda Al-Shabaab. Waxaa jirtay xilli ay 80 KM magaalada u jireen oo ay middaan oo kale sameyn karin, laakiin maanta aad ayay magaalada qarka ugu saaran yihiin.
Hoos ka daawo muuqaalka