0
24

Daawo: Maxaa kala qabsaday xildhibaan Faa’iza Jayte iyo Sheekh Aadan Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Xidlhibaan Faa’iza Jayte oo kamid ah golaha ayaa isku qaybtay kulankii shalay oo looga hadlayay ku noqoshada miisaaniyadda 2023.

Faa’iza Jayte oo ka hor hadleysay Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadashay dooda miisaaniyadda, ayadoo erayo adag adeegsatay, taas oo keentay in laga xiro makarafoonka.

“Wallaahi buuqa intaan waa ka badanaaa haddii la furi waayo Makarafoonka” ayay tiri Xildhibaan Faa’iza Jayte, markii laga xirtay cod baahiyaha.

Sidoo kale waxay sii raacisay “Haddii la’isku dayo in makarafoonka la xiro haddii aan xaqo ka hadlo see meeshaan la’iskula joogaa? Baarlamaanka fiiri waxaa ku haysataa rakaato”.

Intaas kadib guddoomiyaha Golaha Shacaba oo hadlay ayaa shaaca ka qaaday in uusan aqbali doonin in la caayo golaha, kadibna wuxuu makaroonka u fasaxay xildhibaanadda.

“Aniga warka waa u ogolahay ajendaha haka hadasho, laakiin xildhibaanada caaynaa i dhageysta kama yeelaayo” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Mar kale xildhibaan Faa’iza Jayte oo hadalka qaadatay ayaa raalli-gelin siisay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, waxayna kadib sii wadatay doodeeda.

“Baarlamaanka, haddii aan idin gefay raalli ahaada, inkastoo aan aaminsaneyn, haddana waa idin raalli-gelinayaa” ayay mar kale tiri Faa’izo Jayte.

Waa arrin caadi ah in sidaan oo kale ay isku qabtaan xildhibaanada iyo guddoonka golaha, waxayna inta badan dhacaan marka ay jiraan doodaha iyo mooshinada lasoo gudbiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here