Galcad (caalamka.net) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen agagaarka degmada Galcad, kaas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkaas iyo qaabka uu u dhintay sarkaalka Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray, Mahad Cagaduub.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in sarkaalkan iyo laba nin oo kale ay ciidamada Gorgor kasoo qabteen Deegaanka Towfiiq oo 15 KMu jira Galcad.
Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay inay Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidanka hayay ninkan, ayada oo uu kadib dagaal toos ah dhexmaray maray labada dhinac.
Wararka ayaa intaasi ku daray in inta uu dagaalka socday uu Mahad Cagaduub isku dayay inuu baxsado, isaga oo ka cararay ciidamada Gorgor oo markii hore soo qabtay, waxaana lasoo wariyay in marxuumka uu geeriyooday, kadib markii ay wadnaha istaageen.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in ninkan uu cararayay ugu yaraan illaa 3 KM, isla-markaana uu ku socday dhul oodo ah, oo haddane qodxo leh.
Sawirro laga soo qaaday maydka sarkaalkan ayay sidoo kale baahiyeen ciidamada Gorgor ee haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada aagga degmada Galcad.
Mahad Cagaduub ayaa haatan ahaa madaxa Zakawaadka ee Al-Shabaab u qaabilsan deegaanada Meexaan, Towfiiq, Cali Afrax, Budbud iyo Ceel Raydab ee gobolka Galgauud.
Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu dilay xubno dhowr ah oo ka tirsanaa kooxda oo haatan wajaheysa culeys xoogan.