Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho iyo laba mas’uul oo ka maqan

0
64

Muqdisho (caalamka.net) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maaanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir,

Sidoo kale waxaa shirka ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo weli khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana fashilmay isku dayo lagu doonayay in laga soo geliyo shirkan maadaama ergo loo xilsaaray.

Deni ayaa haatan ku jira tartan doorasho oo adag, maadaama beri ay Puntland ka bilaabaneyso doorashada golaha deegaanka ee maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale mdashan ka maqan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo isna haatan safar shaqo ku joogo magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qayb-galayo shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka furmay dalkaasi.

Dhanka kale arrimaha laga wada-hadlayo waxaa kamid ah xaaladda amni ee dalka, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad & dhammeystirka Deyn cafinta.

Sidoo kale waxa ay madaxdu diiradda saari doonaan wixii ka dhaqan-galay  heshiisyadii horey ay ugu gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee ka horreeyay kulanka maanta.

Shirka ayaa haatan kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana Puntland ku jirto doorasho, dowladddana dhexana ay ku howlan tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba, gabagabada ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here