Mareykanka oo dacwo ka ah ilaalada Xamza iyo Lafta-gareen + Sababta

0
61

Muqdisho (caalamka.net) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warqad dacwo ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, taasi oo ay ku eedeeysay ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Mareykanka ayaa warqadan ku sheegay in askarta ilaalada dhaw u ah labada masuul ee Xamza iyo Lafta-gareen ay si xun ula dhaqmeen kooxda ammaanka safaaradda Mareykanka, intii lagu guda jiray munaasabaddii sagootinta ee safiirka xilka kasii degaya, taasi oo lagu qabtay 17-kii bishaan magaalada Muqdisho.

Warqadda dacwada ah ee Safaaradda Mareykanka u gudbisay Wasiir Abshir Huruuse ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay ilaalada labadaasi masuul inay hub ula soo baxeen, islamarkaana u gacan qaadeen saddex xubnood oo kamid ah shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

“Ciidamadeenu waxay ku sugnaayeen iridka goobta ay ka dhacaysay munaasabaddu, ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxay bahdileen xubno kamid ah kooxdeena ammaanka qaabilsan, ilaalada labada masuul hub ayay ula soo baxeen wayna u gacan qaadeen saddex xubnood oo kamid ah shaqaalaha Safaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Warqaddan eedeynta ah ee Safaaradda Mareykanka u jeedisay ilaalada Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ee ay u marisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa illaa hadda aysan kasoo bixin wax warcelin ah oo ku aadan eedeynta loo jeediyay ilaalada labadaasi masuul.

“Qofka wakiil dublumaasiyadeed waa in aan lagu xad-gudbi karin… Hab-dhaqanka aan la aqbali karin ee labada kooxood ee amniga dowladda ayaa dhibaato u geystey shaqaalaheenna diblomaasiyadeed.”

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida dhow u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale kaalin muuqata ku leeyahay dagaalka lagula jirdo kooxda Al-Shabaab oo uu duqeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here