Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga maanta ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Shirka maanta ayaa waxaa kusoo biiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka soo laabtay Shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ee ku qabsoomay Sharm El Sheikh ee dalka Masar.
Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Fadhigii hore ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa oo ku biiray wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale.
Waxaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howl-galka isku dhafka ah ee ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howl-gal mideysan oo dalka lagaga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wejiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna.
Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.