Al-Shabaab oo dal-dalaad ku fulisay shan ruux ‘oo ay ku sheegtay basaasiin’ + Magacyada

0
69

Muqdisho (caalamka.net) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda ku fulisay xukun dal-dalaad ah, kaasi oo ka dhacay fagaare ku yaalla degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo ku eedeysan basaasnimo.

Shanta ruux ee kooxda ay daldashay ayaa waxay sheegtay inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaayay sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Raggaan oo da’doodu u dhaxeyso 41 illaa 67 sano ayaa waxay kooxda shalay galinkii dambe ku daldashay fagaare ku yaalla degmada Bu’aale, waxayna kooxdu sheegtay in dhamaantooda lagu helay inay u basaasayeen sirdoonka dowladda federaalka iyo kan Mareykanka ee CIA-da.

Kooxda ayaa shaacisay magacyada shanta xubnood ee shalay lagu fuliyay xukunka dal-dalaada ah, kuwaasi oo kala ah;

  1. Cabdiraxmaan Tifoow Cabdiraxmaan (Sanqool) oo 67 sano jir ah – wuxuu ushaqeynayay sirdoonka DF-ka.
  2. Cabdillaahi Axmed Maxamuud (Shaadeel) oo 41 sano jir ah.
  3. Maxamed Ibraahim Coloow (Max’med Coloow) 41 sana jira ah – wuxuu ushaqeynayay Mareykanka, wuxuuna dilay C/qaadir Kumaandoos.
  4. Siyaad Maxamed Kaahiye (dhegaweyne) 49 jir ah – wuxuu ushaqeynayay sirdoonka Mareykanka.
  5. Maxamed Maxamuud Coloow 51 sano jir ah – wuxuu ushaqeynayay sirdoonka DG Jubbaland.

Horraantii bishaan ayay aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab ku toogatay shan xubnood oo kamid ahaa kooxda fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo ku eedeysan basaasnimo.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay gacanta ku hayso waxay ka fulisa toogashooyin lamid ah midda shalay, oo ah dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin oo la shaqeeyaan sirdoonada DF Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here