Muqdisho (caalamka.net) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan aan caadi aheyn.
Kulankaan ayaa waxa ajandihiisu ahaa warbixin soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kalfadhiga 3-aad.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Golaha Shacabka usoo qabsoomay labadii kalfadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, islamarkaana lagu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowladnimadda dalka.
Sidoo kale waxa uu guddoomiye Aadan Madoobe xusay in kalfadhigan berri furmaya Golaha ay horyaalaan shaqooyin muhiim u ah hannaanka geedi socodka dowladnimada dalka.
Guddoonka Labada Gole ee BFS ayaa dhowaan iclaamiyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 3-aad, kaasi oo qorshuhu yahay inuu daah-furo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
“29-ka May ayuu si rasmi ah u furmaya Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya”
Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare BJFS waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, halka sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka loo gudbin doonno labadaas Gole, si ay uga doodaan uguna codeeyaan.