Daawo: Lafta-gareen oo Xasan ku amaanay hal arin iyo ‘waxa uu ka yiri’ go’aanadii golaha

0
68

Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay sida ay uga go’an tahay horu-socodka dalka iyo ka dhabeynta.

Lafta-gareen ayaa waxa uu xusay in tan iyo markii uu tallada dalka yimid madaxweyne Xasan in Golaha Wadatashiga Qaranka uu yeeshay kulamo gaaraya lix, “Markii hal sano loo qeybiyo laba bilood kasta mar ayaa la fariisanayay, waxaa meeshaas ka cad in madaxweyne Xasan iyo Golaha ay ka go’an tahay in dalkaan hore u socdo.”

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ku tilmaamay go’aanadii kasoo baxayay kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka illaa kii u dambeeyay ee dhawaan heshiiska uu ka gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, ay yihiin kuwo muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya, una hiilanayaan mustaqbalka soo socda ee dalka.

“Go’aano muhiim ah oo loo baahna oo dowladnimada iyo dadka Soomaaliyeed ee shacabka u baahnaayeen maalin walba lagu gaaro, una baahan in la fuliyo, muhiimna ay u tahay dowlad dhiska Soomaaliya. Marka sida ay Madasha ku socoto iyo go’aanada dhaxal-galka ah aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay.”

“Sida aaminsanahayna dadka Soomaaliyeed waa wixii ay sugayeen oo aheyd Soomaali mid ah oo wada-shaqeynaysa oo isla wada socota ay dalkeeda dhisato, sidaas darteed go’aanada la gaarayay lixdaas kalfadhi waxay ahaayeen go’aano dhaxal-gal ah oo midba kan kale ka muhiimsana, loona baahna.”

Lafta-gareen ayaa waxa uu sheegay in go’aankii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka uu ahaa mid taariikhi ah oo ay maanta tahay maalintii ugu habooneyd ee la sameyn karay doorasho qof iyo cod ah, lana meel-marin lahaa qodobada kale ee war-murtiyeedkii habeen hore kusoo baxay.

“Maalinba meel ayaa loo soo fadhiyay, maanta waa maalintii ay ugu habooneyd ee la sameyn karay loona dhaqaaqi karay, cid kasta oo niyada ka jecleyd iyo cid walba oo isku dayday guusheeda la gaari lahaa ayay ila tahay, iyada runtii aad ayaa ugu faraxsanahay, dadaalkeeda, fulinteeda iyo ku qancinteeda waajib na saaran weeyi dowlad, shacab iyo siyaasiyiinba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here