Muqdisho (caalamka.net) – Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa soo saaray bayaan ay ku dhaliilayaan go’aanadii ka soo baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, kuwaas oo lagu qeexay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyo qodobo kale oo xasaasi ah.
Ururrada Bulshada Rayidka ayaa labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya waxay uga digeen uga digeen inay ansixiyaan heshiiskaas ay gaareen madaxda golaha wadatashiag qaran.
“Waxaa noo muuqata in go’aanada ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaran aysan ku dhisneyn qiimeyn, xog uruurin la sameeyey iyo la tashiyo lala sameeyey hey’adaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka,” ayuu yiri Tahliil Shaatax guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka.
Sidoo kale guddoomiye Shaatax wuxuu sheegay in wax fursad ah aan la siin talooyinka iyo aragtiyaha ay qabaan Bulshada Rayidka.
“Waxaan walwal ka muujineynaa sameynta ay madaxda dowlad goboledyada ku yeela doonaan dhaqan gelinta heshiiskaan, hadii sida uu yahay uu ku dhaqan galo,” ayaa lagu yiri bayaanka Bulshada Rayidka.
Waxaa bayaankaan lagu cadeeyey in doorashooyinkii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay ay kalsooni darro weyn ku abuureen shacabka Soomaaliyeed.
“Ururrada Bulshada Rayidka waxay soo dhaweynayaan in doorashooyinka dalka loo qabto sida ku qoran dastuurka oo ah qof iyo cod, sidoo kalena hor tebin la siiyo dhameystirka dastuurka qabyada ah ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xildhibaanada labada Aqal ee BFS ayaa loogu baaqay in aysan ku deg degin ansixinta heshiiskaan, iyadoo aan la waafajin xaaladda dalka.
Sidoo kale Ururrada Bulshada Rayidka waxay ku taliyeen in marka hore la sameeyo sharci doorasho oo la isku raacsan yahay, kaas oo qeexaya sida xubnaha guddiga doorashooyinka ay ku imaanayaan.
“Metelaada gobolka Banaadir iyo xoojinta qoondada haweenka waa in mudnaan la siiyo ka hor inta aan la gaarin dooda wax ka bedel lagu sameeyo nidaamka siyaasadda dalka ee baarlamaaniga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Ururrada Bulshada Rayidka Soomalaiyeed.
Hoos ka daawo