R/Wasaare XAMZA oo furay shirka hirgelinta hanaanka federaalaynta cadaaladda

0
51

Muqdisho (caalamka.net) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta.

Shirkan ayaa waxa uu dhiirri-gelinaya sarreynta sharciga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan garsoor Caddaalad ah, loo dhanyahay, lagu kalsoon yahay oo hufan.

Hannaanka caddaaladda iyo Garsoorka oo looga heshiiyey shirkii 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran yeesheen, ayaa si loo dhaqan-geliyo heshiiska, looguna biiriyo dhameystirka Dastuurka KMG ah uu muhiim u yahay shirkaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaw waxa uu ku tilmaamay heshiiskan mid guul u ah qaranka, dhabahana u xaaraya jiheynta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa xusay, si loo helo hannaan caddaalad iyo garsoor madax-bannaan oo dalku yeesho la qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maxkamadaha, howlgelinta garsoore-yaal khibrad leh, islamarkaana meesha laga saaray lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray waaxda Danbi Baarista ee CID.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka KMG ah ayaa ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabyotiro dastuurka.

Si kastaba, Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka KMG ah, isla markaaana tallaabooyin loo qaaday qodobada u baahnaa heshiis siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here