Daawo: Muxuu Madaale kusoo arkay degmooyinka bari ee gobolka Banaadir?

0
53

Muqdisho (caalamka.net) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay u kuur-galay xaaladda saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, si uu soo qiimeeyo amniga iyo waxa iska beddalay tan iyo markii la geeyay ciidanka xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataaro, kuwaas oo lagu soo tababaray Uganda.

Saddexda degmo ee uu booqday guddoomiyaha ayaa kala ah Kaaraan, Yaaqshiid & Heliwaa oo mar kamid ahaa degmooyinka ugu halista badan magaalada Muqdisho, maadaama ay ku xooganaayeen kooxaha ciyaal-weerada iyo burcadda oo dhibaato ku hayay shacabka.

Madaale ayaa ku hormaray degmada Kaaraan, wuxuuna tegay halka loo yaqaano Xaawo Casir oo uu kula hadlay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tegay xaafadda Waxar-Cadde ee degmada Heliwaa, halkaas oo fariisin kale ay ku leeyihiin ciidamada xasilinta, isla-markaana uu ku boggaadiyay shaqadooda.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale arkay qaar kamid ah dadka deegaanka oo uu ka xaal wareysta amnigooda iyo haatan waxa ay dareemayaan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay socdaalkooda, isaga oo si weyn ugu mahad-celiyay ciidamada ammaanka oo uu tilmaamay inay qabteen shaqo wanaagsan.

“Meelahaas aan tegnay waxaan kul kulanay ciidamo xarumahaas joogay si gooni gooni ah ayuu guddoomiyaha ula hadlay isaga oo uga mahadcelinaayo shaqada quruxda badan oo ay ku jiraan iyo midda bilihii lasoo dhaafay ay ku jireen,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka ku dhaqan caasimada, isaga oo uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka deggan gobolka Banaadir ciidamada waa ciidamadiinii har iyo habeen idinka ayay idin soo jeedaan amnigiina inay sugaan” ayuu raaciyay.

Si kastaba, ciidamadan ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka guud ee caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray gudaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanadooda oo joogta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here