Balcad (caalamka.net) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanyta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS, gaar ahaan kuwa Burundi ay ka sameeyeen agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Howlgalkan wadajirka ah ayaa waxaa si gaar ah ay ciidamada huwanta uga fuliyeen waddada u dhaxeysa Balcad iyo deegaanka Galooley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi.
“Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka ATMIS iyo Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa qaaday hawlgal dagaal oo isku dhaf ah oo lagu qaadey wadada udhaxeysa Balicad iyo Galooley oo dhan 10 Km oo badanaa dadka safarka ah ay ku dhibaateyn jireen Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS.
Sidoo kale ATMIS ayaa shaaca ka qaaday inay burburisay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, isla-markaana lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ah.
Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in ciidamadu ay ka hortageen weerar ay abaabulayeen xubnaha Al-Shabaab si ay ugu soo qaadaan ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda.
“Hawlgalkaa waxaa lagu burburiyey jidgooyooyin sharcidaro ah oo ay dhigeen maleeshiyadu waxaa kaloo lagu ciribtirey Al-Shabaab qorsheynayey iney weeraro ku soo qaadaan Ciidamada Dawlada, ATMIS iyo shacabka deegaanka” ayay sii raacisay ATMIS.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray duleedka Balcad ayaa weli sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaas, maadaama uu halkaas ka socda abaabul xoogan.\
Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo inta badan laga saaray gobolkaas oo hoostaga maamulka HirShabelle.