Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka

0
52

Muqdisho (caalamka.net) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, kaas oo lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo ku qarxay agagaarka saldhigga Waabari.

Qaraxa oo ahaa miino, nooca baabuurta lagu dhajiyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmaad Garaar, kaas sidoo kale oo ah xogheynta gaarka ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uulkan uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, isla-markaana loola cararay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray baabuurka oo uu qaraxu ku haleelay bartamaha waddamada Maka Al-Mukarrama oo kamid ah meelaha mashquulka badan ee caasimada.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay meesha uu qaraxu ka dhacay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo sidoo kale cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxa lala eegtay Axmed Garaar.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay daganeyd xaaladda magaalada Muqdisho marka loo eego xilliyadii hore oo ay ka dhici jireen weeraro joogta ah.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii ay jab xoogan kala kulantay dagaallada culus ee kacda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here