Muqdisho (caalamka.net) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta shirweyne muhiim ah ka daah-furay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan faafinta wararka been abuurka ah ee la xiriira kooxda Al-Shabaab.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shaaca ka qaaday in weerar qaldan ee la sheego ay la mid yihiin hub halis ah oo wax burburin kara, sida uu hadalka u dhigay.
“Wararka qaldan ee been abuurka ah, gaar ahaan marka ay faafinayaan argagixisada Khawaarijta iyo kuwa la midka ah waxay noqon karaan hub qatar ah oo wax burburiya.” ayuu khudbaddiisa ku yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Marka la baahiyo warar ama muuqaalo been abuur ah bulshadeenana ay istcmaasho wararkaas aan la faaf reebin waxaan si aan ku talagal aheyn u noqoneynaa wakiilada raqiiska ah ee argagixisada oo rabta inay sumcad disho dalkeena”.
Xamza ayaa ku taliyay in qof kasta looga baahan yahay inuu hubiyo xogta ama wararka inta uusan la wadaagin dadweynaha Soomaaliyeed.
“Waxaa la yiraahdaa inta aad noqon laheyd ruuxa ugu horreeya ee been faafiya noqo ruuxa u dambeeya ee runta baahiya,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda Dan-Qarn ay qaadi doonto tallaabooyin looga hortegayo wararka quseeya amniga guud ee qaranka.
Farriintan kasoo baxday ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay dood ka dhalatay dagaalka Al-Shabaab oo u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka oo hadallo kul kulul isku marinaya qalabka waraabhinta.