Madaafiic mar kale lagu garaacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

0
51

Laascaanood (caalamka.net) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay saaka ciidamada milatariga maamulka Somaliland ku qaadeen qaybo kamid ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhankooda ciidanka SSC-Khaatumo ayaa ku jawaabay madaafiic culus oo la sheegay inay ku hoobteen xerada Goojacadde oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Somaliland.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi, waxayna sheegeen inay dareemeen walwal iyo cabsi xoogan oo ka dhalatay madaafiicdaaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicda ay geysteen khasaar isugu jiro dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada dhexdeeda.

“Dhaawacyo yar yar mooyee wax khasaare ah ma ogi, guryo gubtana way jiraan” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkiika ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Si kastaba, waxaa Laascaanood dhowr bilood oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here