Laascaanood (caalamka.net) – Hoggaanka SSC-Khaatumo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka falceliyay bayaankii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo si kulul looga hadlay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood.
Qoraalka SSC ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay baaqa Golaha Ammaanka ee ku aadan in ciidanka Somaliland laga saaro aagga magaalada Laascaanood.
SSC waxay sidoo kale shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga shaqeeyo xasiloonida, isla-markaana ay taasi fure u tahay in Somaliland ay dib uga baxdo dhulkooda.
“Qoraalka maanta ee Golaha Ammaanku waa talaabo muhiim ah oo ku aadan sugida nabada waqooyiga Soomaaliya, Golaha Sarre waxa uu markastaba ku baaqayay in maleeshiyaadka Somaliland ay ka baxaan dhulka SSC, taasi oo ah jidka kali ah ee nabada” ayaa lagu yiro warqad Engelish ku qoran oo uu soo saaray guddiga sare ee SSC-Khaatumo.
Sidoo kale waxa ay SSC intaasi kusii dartay inay fududeyneyso guuritaanka ciidanka Somaliland, waa haddii ay ka baxaan aaga magaalada Laascaanood.
Sidoo kale waxaa bayaankan lagu sheegay in SSC ay ayideyso mabaadiida Qaramada Midoobay ee gargaarka bini’adamnimo isla-markaana ay saaxiibada kala shaqaynayso in dadka la gaarsiiyo gargaar aan la carqaladayn.
SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga mahadcelisay ilaalinta madax-bannaanida Somaaliya sida qoraalka lagu xusay qoraalka ay maanta soo saartay.
Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana halkeedii ah xiisadda ka taagan magaaladaas oo ay weli madaafiic isku weydaarsanayaan labada dhinac.