Sawirro: XASAN oo Villa Somalia ku qaabilay ganacsato Turki ah oo u socda…

0
45

Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat.

Ganacasatadan ayaa caasimadda dalka ee Muqdisho u yimid sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkeenna.

Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso arrinkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wayn oo ku qotoma dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha militariga.

Baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu qiyaasay 280 milyan oo doolar, waxaana lagu qiyaasa in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameeyeen dalka ay gaareen $100 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here