Booliska oo shaaciyay khasaaraha weerarkii Liido iyo dadka lasoo badbaadiyay

0
48

Muqdisho (caalamka.net) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ki qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta Liido, halkaas oo ay u damaashaad tegaan dadweynaha.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hoteelka la weeraray ay ku sugnaayeen shacab fara badan, isla-markaana ujeedka Al-Shabaab uu ahaa baabi’inta dadkaai.

“Hoteelka ay Naftood halige-yaashu weerareen ayaa ahaa goob ay dadka shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida Khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaciyay in weerarkan lagu dilay 9 qof, oo saddex kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka ammaanka, halka sagaalka kalena ay ahaayeen rayid.

Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu cadeeyay qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliyeed.

“Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Taliska ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada howlgalka sameeyay ay soo bad-baadiyeen illaa 84 qof oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa dhismaha la weeraray.

“Alle mahadii, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, dumar iyo dad waayeel ah”.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here