QM oo war kasoo saartay carruurtii ku geeriyootay qaraxii SH/HOOSE

0
44

Muqdisho (caalamka.net) – Hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay qaraxii maalin kahor carruurta badan ku laayay duleedka degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

UNICEF ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga naxday dhacdadaasi, maadaama in ka badan 20 carruur ah ay ku dhinteen walxo qarxo oo ay ku ciyaarayeen.

Sidoo kale waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada carruurtaas iyo kuwa dhaawaca ahna u rajeysay caafimaad deg deg ah.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeyneynaa kuwa dhaawaca ah caafimaad degdeg ah. Ma ahan in qoysna uu ilmihiisa ku waayo xaaladdan murugada leh,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda UNICEF.

UNICEF ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in loo baahan yahay in si taxadar leh loo maareeyo walxaha qarxa, maadaama ay weli dagaallo ka dhacayaan Soomaaliya,.

“Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka.” ayey sii raacisay UNICEF.

Waxaa kale oo ay hay’addu xustay in ay ka qayb qaadan doonto gurmadka loo fidinayo qoysaska ay dhibaatada kasoo gaartay dhacdadaasi.

Carruurta geeriyootay ayaa goobta ku cayaareysay Banooni, balse qaarkood waxa ay gargaraaceen hub hore oo muddo goobta yaallay, waxaana halkaas ku dhintay 27 qof, sida uu xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley oo la hadlay Telefishinka Dalsan.

Wuxuu sheegay in 22 ka mid ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka seddaxda kalena ay dib ka geeriyoodeen kadib markii goobta laga soo qaaday iyagoo qaba dhaawac culus.

“Waxay aheyd Jimco wixii iskuul iyo dugsi lahaaba ciyaalkii waxay aadeen banooni, kadibna waxay garaaceen oo ku qaraxday bir weyn, waxaa halkaas ku geeriyootay 22 ka mid ah, 3-da kale oo mid Xamar loola cararay dib ayey ka geeriyoodeen,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

“Wuxuu intaas ku sii diray in carruurta geeriyootay ay da’doodu u dhaxeysay 15 ilaa 10 sano, “Hal gabar kuma jirin wiilal kaliya ayey ahaayeen,” ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here