Kismaayo (caalamka.net) – Xasan Cabdullahi Cabdi oo maalin ka hor hooyadiis ku dilay magaalada Kismaayo ayaa maanta la hor geeyey maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Kismaayo, waxaana la dhageystay eedeynta xeer ilaalinta.Sidoo kale waxaa maanta la hor geeyey maxkamadda ninkaan oo qiranaya inuu si ku talagal ah u dilay hooyadiis, taas oo ka yaabisay masuuliyiintii joogtay goobta.
Sidoo kale wuxuu Xasan Maxkamadda ka hor cedeeyey inuu miyir qabay oo wax xanuun ah uusan dareemeyn, markii uu Hooyadiis kula kacay falkaas.
Ciidanka booliska Jubbaland ayaa soo qabtay ninkaan markii uu geystay dilka Hooyadiis, isagoo isku dayey inuu baxsado, waxaana toos loogu gudbiyey xeer ilaalinta.
Xafiiska xeer ilaalinta Jubbaland ayaa Xasan maanta hor geeyey maxkamadda, waxaana qiraalkiisa kadib lagu celiyey xabsiga.
Maxkmadda ayaa ogolaatay in toddobaad xabsiga lagu sii hayo Xasan, iyadoo lagu sameynayo mudadaas baaritaano dheeraad ah, 7-cisho kadibna waxaa dib loogu celinayaa maxkamadda.
Kiiskaan ayaa shalay argagax ku abuuray dadka reer Kismaayo, waxaana aad loogu faaqiday baraha bulshada ee guud ahaan Soomaalida, waxayna dadku muujiyeen inay aad ugu farxeen soo qabashada ninkaas.
Xasan Cabdullahi waxaa la sheegay in Hooyadiis ay dhawaan dadka ku soo celisay, kadib markii uu qurbaha ku dhaqan doorsoomay, wuxuuna ugu dambeyn ku dilay magaalada Kismaayo oo dhaqan celin ay u keentay.
Hoos ka daawo