Addis Ababa (caalamka.net) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud, oo ka qeybgalay meertada 14-aad ee shirka IGAD, ayaa ka hadlay guulaha amni iyo siyaasadeed ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya iyo halganka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay si loo nabadeeyo dalka in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, oo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, lagana saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Waxa uu intaas ku daray inay nabad iyo nidaam dowladeed ay ku naaloonayaan degmooyin ay kooxdu cadaadis ku haysay muddo 15-sano ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyadoo la joogteyanayo kulamada golaha wadatashiga qaranka, ayna qabsoomeen ilaa 6-kulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somalia dib ugu soo laabtay.
Shirkii u dambeeyey ee golaha oo qabsoomay 24-27-ka May ayuu xusay madaxweynuhu inay ka soo baxeen go’aano muhiim ah, oo ay ku jirto in doorasho qof iyo cod ah dalka loo diyaariyo, islamarkaana golayaasha dowladdu ay ka shaqaynayaan hirgalinta heshiiskaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa garab istaag u muujiyey dalka aan walaalaha nahay ee Sudan oo ay colaadi ka socoto, waxaana uu madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ku booriyey inay qaataan doorkooda nabad ku soo dabaalidda dalka Sudan iyo meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan.