Xildhibaan Dhaashane oo shaaciyay ujeedka laga lahaa werarka lagu soo qaaday

0
47

Garoowe (caalamka.net) – Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay sida uu u dhacay weerar lagu soo qaaday.

Xildhibaanka ayaa habeenkii hore lagu weeraray hoygiisa caasimadda Puntland ee Garoowe, kadib markii uu maalin ka hor si kulul uga hadlay goobta gobolka Nugaal.

Xildhibaanka oo ka hadlay ayaa sheegay inuu weerar ku socday ilaa shan iyo toban daqiiqadood, isagoo ku dhuftay dhagax sida uusan waardiye wadan isaguna hub sidan.

“Waxaan ka imid hoteel Martisoor waxaana iga soo raacay labo baabuur, markii aan usoo leexday xaafada gurigayga hortiisa marayey waxaa la igu horgooyey baabuur weyn oo dariiqu u furan yahay sida kasoo degtay shan nin oo wajigu u xiran yahay qoryaan wata, shantaa nin waxaa daba dhigay. taagna gaari kale oo gaariga lagu dabo gooyey oo afar nin oo kale lagu qoray,” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxa uu intaas ku daray “waxaa la igu fureay xabad waxaa la damcay in baabuur la igaga soo saaro, afar nin baa gaari daaqadaha furtay, ninkii dafayda furay baan qoriga ku qabsaday markii aan ku qabsaday nabarka sawirka ah baa isoo gaaray, ninkii kale oo i dhinac taagan baa qorigiisa wuxuu igala dhacay wajiga, nimankaasi waxay leeyihiin ma adiga dastuur furi kara oo isku day kara Beraa dastuur furtid,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane.

Weerarka lagu qaaday xildhibaan Dhaashane ayaa kusoo biiray isagoo shacabka Garoowe dariiqyada ku arkay waraaqo digniin ah oo ka dhan ah inaan la furin dastuurka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here