Garowe ( caalamka.net) – Warqaddani waa mid ku socota Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha, Isimada, Aqoonyahanka, Ururada Bulshada, Dhalinyarada, iyo Bulshaweynta reer Puntland oo idil.
Walaalayaal, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaa haysata dhib weyn oo labada sharaf ku qoran kadib markii ay dalkoodii shaqo, caafimaad, waxbarasho iyo amni intaba ka muujiyeen calaamad, sidoo kale ay dani u qaxisay dhulal ay ku xuseen dhaqankoodii, diintoodii iyo magacoodiiba.
Walaalayaal, annagoo ogsoon jiritaanka xorriyad Somali si gaar ah u badbaadday iyo mid si gaar ah u duntay ee Koofur, Waqooyi, iyo Bari hal doon lawada saaranyahay, ayaa haddana waxaa nala gudboon inaan tusaale ku dayasho mudan u noqonno guud ahaan ummadda Somaliyeed iyo gaar ahaan intii ku midowday dhisitaankii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.
Walaalayaal, su’aasha is weydiinta mudani waa inaan meel u helin sababta 24 sano Puntland looga hortagayn waayey hannaan fur-furan oo ay dadka dhulkaan ku dhaqani ku doorteen madaxdooda iyo wakiiladooda. Ma dhinaca dadkii mas’ xoordu saarnayd bay ka suuroobi weyday mise dhinaca shacabka?
Shacabka reer Puntland waxay May 25, 2023 si cad u beeniyeen doodihii mudda dheer lugu hanjabin jiray ee lahaa dadku diyaar uma aha badnaan ay shucuubta caadiga ah ee ilaalinta ku dhaqani qabsadeen. Xaqiiqdu waxay ahayd inaan shacabka reer Puntland ka liidan shucuubta kale ee dhiggooda ah, laakiin madaxdoodu waxay ka liidatay madaxda kale ee dhiggooda ilaalinta. Dad diyaar u ah inay nolol fiican u baratamaan oo haddana ku dhaqan dhul dhul ah oo nabad ah inay 24 sano u gudbi wayyaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ay madaxdooda ku doorteen waa gal dacwadeed sugayay furin lahayd.
Xaggee Puntland loo wadaa 8 Jannaayo, 2024 iyo wixii ka dambeeyay?
1. Sharciyeyntasaddex ama shan Urur-siyaasadeed oo kasoo baxay Golaha Deegaanka ee 25ka May, 2023.
Doorashadaas isku diiwaan geliyey, una codeeyey dad aad u yar marka loo eego bulshaweynta reer Puntland, waxaan sidoo kale jira caddayn uu wali muran ka taagan yahay oo aan laga codayn si kastaba ha ahaatee. Saddexdaan urur kusoo bexeen dadaal iyo dhaqaale dheeraad ah oo ay geliyeen hawlahoodii qabanayeen si ay u hoggaansamaan ula wareegi doonaan Puntland 10 sano ee soo socota. Aan is weydiinee xaggeebay ka jabantahay dooddoodu?
Waxay dooduka jabantahay inay tartan ku galeen xeer doorasho oo khiyaano lagu dhuftay markiisii ​​horeba oo lagu sameeyay marin habaabinayey. Xeerkaas doorasho, ma aha mid ay bilaabeen madaxdooda ku dooranayaan oo looga gudbay 66 kii xildhibaan oo ay badani habeenka doorashadu ka dhacday sida foosha xun ee u diiranayd inta tartanka ku jirta.
Ma aha mid dhibaato in ay koox xikmado ahi ra’yi ku midoobi karaan oo ay urur ula magac bixi karaan waqti walba oo ay sidaas jeclaadaan. Ma aha mid booska galka ah oo dalkiisa diyaar u ah inuu fursad uu ku doorto furka uu u furdaamiyo biiriyha ee waa mid marti dhigaya Urur-siyaasad tirada yar si ay u yeelaan.
Xaqiiqadiisu waa mid iskuul u xiray dad kooban oo la imaan kara dhaqaale xad dhaaf ah, kaas oo laga yaabo inay soo galaan galaangal u yeelashada adeegga shisheeye.
Lagama yaabo, dhibaato ma aha in Ururro kusoo baxay shirqoolkaas oo la maleegay 2012 kii ay dalka taladiisa si nabad ah kula wareegaan, kuna maamushaan 10 ka sano ee soo socota iyo wixii ka dambeeya. Isku dayga ahi waxa uu dhalin doona dagaal dhex mara ,Maganayaasha Urur-siyaasad,cududaha iyo ummadda inteeda garan karta godka madow ee Puntland dawladnimadii lala damacsanyahay. Eelka uu isku daygaan gurracani reebo dartiis, waxaa laga rajo dhigi doonaa iskuday labada qof iyo cod fasaxan lagu gaarsiiyo shacabka reer Puntland.
2. In lagu socda jidkii 24ka sano lagu socday:
Waxaa jira dad ku arriminaya in loo noqdo qaabkii hore ee golaha wakiillada, kaaso ay xildhibaanadu ku imaan jireen qaab jifaysan, ay xasaanadooda ku shaqo tegi jireen. Qaabkii ay u shaqo tegi jireen intaas u dhaafimaayo.
Dadka qaabkaan u fakaray, waa buuga talada Puntland ay ka soo martay, soona qabteen wadooyinka waawayn oo ay ummadda si hufan ugu khidmayn kareen. Qaabkii ay usoo shaqeeyeen iyo inay sababto guteen daafac ayaan u diiday, waxaanse hadda u jeednaa meesha ay dalka la rabaan inuu aado horay ma aha ee waa gadaal. Haddi tooda la qaadano waxaan fili karnaa waa inay dooni doonaan sidii 66 ka qabaa’ilka loogu qaybin lahaa, waayo jifooyinlii 24 sano soo haysta xubnahaas waxay calaamad ay ayagu leeyihiin, jifooyinka aan waligood qabanna waxay amar inay usoo wareegaan.
Haddii ay doorashada soo socotaa noqon weydo mid qof iyo cod ah oo lifaaqii qabaa’ilka loo noqdo, waxaa jira jifooyin doonaya in dastuurka loo furo si xubno dheeraad ah loogu talagalay, haddii ay taasi wayyaana aan ka qayb qaadandoonin shaqadaas.
Waxaa iyana jira jifooyin kale oo ayaguna kordhis doonaya, laakiin dacwaddooda la sugaya inta kuwa ka horreeyaa ay kordhiska soo helayaan. Waxay noqon doontaa waddo furantay oo aan meel ay ku dhammaato lahayn.
Waxaa muddo 24 sano ah sir iyo caadba looga hadlayey in uu xilka madaxtinimadu ku dhex wareegayey dad kooban, haddana waxaa muuqata in uu samirkii kasoo idlaaday bulshada inteedii kale taasina ay Puntland wajigeeda ku qori doonto far aan qurux badnayn oo aan la mahdin doonin iyo in lakala tashado oo ay beeliba meel u jahaysato.
Xalku xaggee buu ka dhowyahay?
Xalku wuxuu ka dhowyahay inaynaan dib u noqon ee aan horay u soconno, laakiin waddada aan horay u raacaynaa ahaataa mid toosan oo meel dheer lugu gaarikaro.
In dib loo turxaan bixiyo Xeerkii Doorashooyinka ee la meel mariyey sanadkii 2012, kaas oo ah midka sababay in ay dadka intooda badani ku kalsoonaan waayaan xeerkaas, kana cududaartaan ka qayb qaadashada doorashooyinkii dhacay sannadkaan iyo ururradii u tartamayba. Taas macneheedu waa in dastuurka la furo, lagana saaro qodobbada qallooca dastuuriga ahi uu salka ku hayo. Qodobadaas waxaa kamid ah;
1. In unkidda Ururrada siyaasadda laga dhigo mid u furan muwaadiniinta danaynaya ka qaybgalka siyaasadda. Taasi waxay keeni doontaa in intii talo hoggaamineed oo ay isku ra’yi ka yihiin helaaba ay aragtidooda ku meel mariyaan urur siyaasadeed cusub oo ay samaystaan. Haddii ururrada lugusoo koobo tiro yar, waxaa dhici doonta in dalka talo loo waayo oo sidii Somaliland ka dhacday uu hoggaamiye Xisbi aqoonyahanba maalin diirto, ummaddana la hor taagnaado waxtar xumo aan lahayn meel looga irkado.
2. In isdiiwaangelintu noqoto mid u furan oo dadka doonahaya inay doorashada ka qeybqaataana aan albaabada laga soo xiran. Dadkaasi waxay ku biiri doonaan intii horay isku diiwaan gelisay oo Golayaasha Degaanka dooratay.
Ma aha in dib loogu noqdo doorashadii Golayaasha Degaanka, waxaase muhiim ah in horay loo wada dhaqaaqo hadda iyo wixii ka danbeeya, isla markaana lasoo wada dhisto dowlad cusub oo ku timaadda qof iyo cod aan xeeladaysnayn.
3. In loo oggolaado shacabka reer Puntland inay toos u doortaan Madaxweynahooda iyo Kuxigeenkiisa iyo waliba madaxda kale ee dalka intii ay tahay inay doorasho ku yimaadaan. Taas macnaheedu waa in aanay dib danbe u dhicin xildhibaanno ka baayac mushtaraya codadka lagu dooranayo Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen.
4. In la dabciyo shuruudaha ku xeeran liistada xiran ee dul saaran ka qayb galayaasha siyaasadda ee dhallinyarada u badan, liistaduna ay noqoto mid furan.
Ugu dambeyntii, dadka ku doodaya in doorashooyinka qof iyo cod la laalo oo dib loogu noqdo lifaaqii caalwaaga ahaa ee habka qabiileysan ku dhisnaa waa kuwii sida dulmiga ah u meel mariyey is diiwaan gelintii hor dhaca ahayd ee saddexda degmo, waxaana habboon in aan wax ka baranno 24kii sano ee lasoo dhaafay wixii inaga xumaaday.
Walaalayaal, waxaan horay u socon karnaa markii aan danta naga wada dhaxaysa ee guud siyaasadda ku dhisno. Ma aha inaan hoggaanka ummadda u jiidno kolba meeshii aan danahayaga gaarka ah ka aragno. Dhex-dhexaadnimada ayaa dantu inoogu jirtaa ee aan labada daraf kasoo kala durugno, wax ummadda danteeda u adeegayana aan ku dhaqaaqno.
Haddii aanan isku dhan u dhaqaaqin, taladuna aysan noqon mid bulshada loogu danaynayo, waxaa hubaal ah inaan ku sifoobi doonno kuwa hagraday halganka haatan ka socdo SSC-Khaatumo, kana shaqeynaya Puntland kala dhantaalan iyo Soomaali kala irdhawday.
Horaa loo yiri, wixii hooyada u roon baa ilmahana u roon, aniguna waxaan leeyahay wixii shacabka in awoodooda dib loogu celiyo lagu gaari karo ayaa Puntland iyo Soomaaliba u roon ee aan u wada dhaqaaqno sidii loo xaqiijin lahaa.
Cabdiraxmaan Sh. Maxamed (Gablax)
Musharax hore ee Madaxtinnimada Puntland, Ganacsade iyo Samafale