Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte, ayuu madaxweyne Guudlaawe wuxuu sidoo kale xilka gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow).
Guudlaawe ayaa sheegay inuu jinsin qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweynaha ku-xigeenka HirShabeelle iyo markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba “mideynta bulshada si loo xakameeyo dalka iyo dastuurka” dowlad-goboleedka HirShabeelle.
Tallaabadan xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu horyaalka oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan looga saaray gobolka Hiiraan.
Sidee looga fal-celiyay arrintaan?
Maxamed Sheekh Cabdiweli: “Hirshabeele rajadii yareyd ee laga qabey halka ay ku dhamaatay!!.”
Cabdixakiim Badio ayaa isna yiri “Caliyow waxaa rabtid shay waqti marka dhamaado kadib kuma so laaban meysid.”
“Waan soo dhaweynayaa xil ka qaadis. Guddoomiyaha cusub Sufuroow Allaha u fududeeyo xilka loo magacaabay guuleyso mudane Madaxweyne Cali Guudlaawe,” ayay tiri Salmo Jowhar.
Mahad Waasuge : “Dagaalkaan meel kale ayuu ka socdaa laakiin Caliyow ceebtaada waa xaqiijin ee dalkaan hagardaamada ka day oo dadka wax qabanaayo umada u dhaaf.”
Cali Ibraahim Xasan ayaa isna yiri “Xilka qaadista guddoomiye cali jeyte maxaa xiligan kusoo beegay sawirada xaladaha xiligan jira aanu jiida.”
“Xawaadle dhabar jabinta kala tag , awalba faa’iido Kuma qabin aan hagar daamo ahayn,” ayuu yiri Rabiile oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xil ka qaadis gudoomiye Cali Jeyte.
Cabdisalaam Xaaji Cali ayaa isna yiri “Halyeey qaran waxow qabtay cid aanan qaban in xilka laga qaado waa arin laga fiican yahay.”
“Ninkii gobolkiisa Hiiraan ka saaray Al-Shabaab baa waxaa rabtaan in aad si fudud xil uga qaadan,” ayuu yiri Cabdimaalik Saalax.
Cabdicasiis Cali Faarax: “Cali Jeyte Cismaan waa ninka Hirshabeelle ugu shaqada, xil ka qaadistiisuna waxa ay niyad jab ku ridaysaa qof kasta oo ku hami jiray inuu mar uun taariikhda dalkiisa baal dahab ah ka galo. Sidoo kale waxa ay toosh ku ifaysaa madaxweynaha Hirshabeelle.”
“Calaw dhibka umada kada Ilaahey ban kugu dharshe,” ayuu yiri Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xil ka qaadis uu Cali Guudlaawe ku sameeyay Jeyte.
Maxamed Axmed: “Xil ka qaadista Cali Jeyte waa lagu deg deg deg deg ah waa xil ka qaadis Al-Shabaab farxad gelinaysa.”
Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Guudlaawe waa in uu baxaa shaqo aan eheen xil ka qaadis iyo xil u dhibi ma yaqaan.”
Cabdullaahi Diini Macallin: “Ma waxaa xilka looga qaaday xaad ugu dhiirigeliyay bulshada in ay Khawaarijta la-dagaalmaan waan ka xumahay maamulka maamulka.”
Cabdullaahi Cabdiqani: “Xawaadlow katashada oo cali soo ceshta Hirshabeelana ka go’a.”
“Xilka qaadistaaan ani wan kaso guddoomiyaha gudomiye mudane Cali Jeyte wax badan ayuu hiiraan iyo Hirshabeele u qabtay mana aheen in xil ka qaadis lagu abaalmariyo,” ayuu yiri Maxamed Axmed Xasan.
Ismaaciil oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay maxsuulka uu qaaday Guudlaawe ayaa yiri “Maxaa kale oo aan qabataba oo xil aan Ka qaadis iyo alaabooyin aalo.”