Garoowe (caalamka.net) – Xildhibaanada golaha wakiillada maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn go’aan culus ka soo gaaray wax ka bedelka dastuurka maamulka oo ay si weyn isugu yimaadeen madaxweynaha Saciid Deni iyo xubnaha xubnaha ee Puntland.
Kulanka golaha oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan guddoomiyaha ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cusmaan iyo guddoomiyaha ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame dowlad goboleedka Puntland.
Ajendaha kulanka yaa ahaa soo jeedinta wax baddalka Dastuurka Puntland oo golaha u soo gudbiyay guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland.
Intaasi kadib xildhibaanada ayaa galay doodda ku aadan ajendaha, waxaan ogolnahay ugu codeeyay 34 mudane, sidoo kale waxaa diiday 1 mudane, mana jiran cid ka aamustay, sidaasna waxaa ansax ku noqday soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka.
Tani ayaa ka dhigan in xubnaha baarlamaanka ay si toos ah uga doodi qodob Dastuurka ee wax laga beddelo sida sharcigu qabo, maadaama la meel mariyay.
Tallaabada uu qaaday baarlamaanka Puntland ayaa uga sii dareysa xiisadda hada ka taagan Garoowe oo maanta dagaal isku rogtay, kadib markii ay isku qabsadeen ciidanka difaaca iyo kuwa mucaaradka oo diidanaa in la furo Dastuurka oo ugu dambeyn la meel marin.
Dagaalka maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyadoo uu ku dhaawacmay mid kale oo shacab ah, sida ay innoo diyaariyeen ilo deegaanka ah.
Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay sawiro oo ku aadan go’aanka ay gaareen xildhibaanada baarlamaanka Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa aad u wajaheysa hadal adag oo hubanti la’aan ah, maadaama gacan ka hadal uu ka dhashay furista Dastuurka Maamulkaasi.