Beesha caalamka oo war ka soo saartay dagaalka Garowe

0
47

Garoowe (caalamka.net) – Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah kasoo saaray dagaalka shalay ka qarxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan madaxweyne Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.”

Saaxiibada beesha caalamka waxay intaas ku dareen in khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan ay halis gelinayso natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Saciid Deni iyo ciidamo taabacsan kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda go’aanka baarlamaanka Puntland uu ku furayo dastuurka, si wax looga beddelo qodobo ka mid ah.

Dagaalka ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 26 qof, oo 16 ka mid ah ay yihiin ciidamada dagaalamay, 10 kalena shacab. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 30 qof oo kale.

Isimada, waxgaradka iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa billaabay dadaal lagu doonayo in xabadda lagu joojiyo, islamarkaana ay labada dhinac ka aqbaleen in xabadda la joojiyo, si xal loo gaaro.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay labada dhinac inay dagaalka si shuruud la’aan ah u joojiyaan, una turaan shacabka, xabadna aysan xal noqon, wuxuuna cadeeyay in laga baaqsan karay xabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here