Garowe (caalamka.net) – Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Garowe iyo xaalada amni ee magaalada.
Taliyaha ayaa sheegay in kooxdii dagaalka soo qaaday ka difaaceen oo banaanka ay uga saareen magaalada, isagoo sheegay, in kiiskaas la isku daba joogo oo dowladda lagu soo duulay.
“Waxaan masuul ka aheyn amniga goobtii ay xildhibaanadu ku shirayeen, waxaa dhacday in barqadii lasoo weeraray, anaguna waan difaacnay oo waajib ayey nagu aheyd, taasna qalad kuma lihin,” ayuu yiri Taliye Muumin.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in khasaare culus uu ka dhashay dagaalkaas in kastoo uusan xusin tiro cayiman, wuxuuna ku faanay in ka boolis ahaan ay aad u axadarayeen, si khasaaruhu u yaraado.
“Waxaan ku guuleysanay in amniga aan sugno oo magaalada ka saarno kooxihii soo duulay, hal meel ayaan isugu geynay, gaadiid dagaal, maxaabiis iyo hub ayaan ka qabanay, dagaalkaasi waa istaagay xaaladuna waa caadi,” ayuu hadalkiisa ku sii daray taliye Muumin.
Wuxuu sheegay in wax eed ah aysan laheyn oo dowladda lagu soo duulay, “Cid kasta oo kiiskaan ku lug leh waan daba joognaa, waxaana difaaci doonaa dowladnimada iyo nidaamka Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray taliyaha booliska Puntland.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay raadiyeen xal kasta oo dagaalkaas looga hor tegi lahaa, isagoo cadeeyey in wasiirro iyo saraakiil iyagoo ah ay u tageen xubnaha dagaalka wada xalna ay ka diideen.
“Wax kasta waa diideen, ayagaa nasoo weeraray, mar kasta waxaan ilaali doonaa dowladnimada iyo amniga, waa nagu ceeb in dagaal uu halkaan ka dhaco, ciidamadu waxay u dhaqmi doonaan si masuuliyadi ku jirto, ka horna waxaan raadinay wax kasta xal ah, balse waa nala fahmi waayeen, waana na soo weerareen,” ayuu yiri.
Taliyaha booliska Puntland, wuxuu intaas ku sii daray inaysan hor istaagi karin dastuurka iyo sharciga Puntland, isla markaana ay ku qasbanaayeen inay ilaaliyaan amniga xildhibaanada, taasna ay ku guuleysteen.
Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa dagaalkii ka beri-yeelay madaxweyne Deni, isagoo sheegay in wax talo ama lug ah uusan ku laheyn, booliskuna uu ku jiray xaalad is difaac ah.
Khasaare culus ayaa ka dhashay dagaalka. Ugu yaraan 26 qof ayaa la sheegay in dagaalkaas lagu dilay, halak 30 kalena ay ku dhawacmeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.
16 ka mid ah dadka ku dhintay dagaalkaas waxaa la sheegay inay askar ahaayeen, halka inta kale ay shacab tahay, dagaalka ayaa qarxay barqadii Talaadada, wuxuuna ka bilowday afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Puntland oo weerarku uu ku wajahnaa.
Dr. Cabdirsaaq Axmed oo ka hawlgala isbitaalka guud ee Garoowe ayaa warbaahinta la wadaagay xogta dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay dagaalkaas oo markii la isku daro gaareysa 56 qof.
Hoos ka daawo