Daawo: Wasiir FIQI oo u jawaabay Cumar Cabdirashiid

0
42

Muqdisho (caalamka.net) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta ugu warramay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, isaga oo sidoo kale u jawaabay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid heshiiskii Golaha Wadatashiga.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Cumar Cabdirashiid uu weligiis diidanaa doorashooyinka, isla-markaana xukuumaddiisii ay ka hortimid in la dhiso guddiga doorashooyinka.

Wasiirka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Cumar Cabdirashiid uu xilligan kasii hadlo arrimo ku aadan doorasho, isaga oo si gaar ah ugu eedeeyay inuu ku tuntay sharcigeeda.

“Cumar Cabdirashiid wuxuu leeyahay hadda suurtagal ma ahan doorasho, 2016-kii sharciga hoos ayuu gashanaayay, haddana welina doorasho ayuu ka hadlayaa” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in xittaa sanadkii2016-kii ay dacwo iskula tageen maxkamadda sare, kadib markii uu sheegay in jeebka gashaday sharcigii lagu dhisayay guddigga madaxa bannaan ee doorashooyinka dalka, ugu dambeyna ay uga adkaadeen.

“Aniga waxaan ahaa dadkii xisbiyada ka shaqeyn jiray waxaan maxkamadda sare ku dacweynay Cumar Cabdirashiid oo ahaa ra’iisul wasaaraheenna oo sharcigii lagu dhisayay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka meel gashaday markii wasiir Odowaa iyo xukuumadda uu soo gudbisay” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Dalkan lama sii joogi karo dadka wey bislaadeen meel hoos laguma heyn karo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka dhalatay heshiiskii ay doorashooyinka ka gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo ay diideen inta badan xubnaha mucaaradka oo eedeyn culus u jeediyay dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here