Saddexda sarkaal ayaa laba kamid ah waxay ka tirsan yihiin wasaaradda warfaafinta, gaar ahaan waaxda farsamada, halka kan kalena uu ka tirsan yahay ilaalada madaxtooyada.
Xeer ilaaliyaha qaranka oo war qoraal ah soo saaray ayaa faah faahin ka bixiyay kiiska xasaasiga ah ee loo haysto saddexda eedeysane ee la horgeeyay maxkamadda.
“Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa maantay u gubdiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir eedda laba sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, gaar ahaan waaxda farsamada iyo sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ilaalada Madaxtooyada Qaranka, kuwaas oo kuwada eedeysan Musuqmaaqsuq iyo Xatooyo Xoolo Dadweyne” ayuu yiri.
Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa ka dalbaday Maxkamadda Gobolka Banaadir inay sida ugu dhaqsiyaha badan guda gasho kiiska musuqa ee loo heysto saddexda eedeysane.
“Xafiisku wuxuu ka codsaday Maxkamadda Gobolka Banaadir inayu soo muddeyso dhageysiga kiiskan si loo bilaabo Maxkamadeynta Eedeysanayaasha” ayaa lagu yiri.
Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir sidan oo kale loo horgeeyay sarkaal ka tirsan hoggaanka ilaalada canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas si gaar ah uga howl-gali jiray laanta dhexe ee ilaalinta canshuuraha bariga, wuxuuna ahaa Taliyaha ciidanka ilaalada xafiiska Canshuuraha bariga ee degmada Warta-Nabadda.
Sarkaalkan ayaa isna waxaa xeer ilaalinta ay ku soo eedeysay xatooyo xoolo dadweyne iyo qaadasho laaluush lid ku ah shaqadiisa.
Sidoo kale maalmo kahor ayay aheyd markii maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, kuwaasi oo ay u jartay xabsi ku-meel-gaar ah si loo dhameystiro baaritaankooda, islamarkaana loo bilaabo maxkamadayntooda.
Si kastaba, arrimahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada socda ee lagula dagaalamayo musuqa iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga ee dowladda.