Maxkamadda ciidamada oo xukuntay saddex askari oo lagu helay kiis xasaasi ah

0
29

Muqdisho (caalamka.net)  – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka ayaa maanta xukuno ku ridday saddex askari oo lagu helay kiis xasaasi ah oo si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaas oo ku saabsanaa jirdil loo geystay wiil dhalinyaro ah.

Mid kamid ah askartan oo lagu magacaabo, Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah iyo feer Celin, sida ay shaaca ka qaaday maxkamadda ciidamada.

Sidoo kale waxa ay maxkamadda xukuntay laba askari oo kalo oo lagu helay inay faafiyeen muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo maxkamadda kasoo muuqday.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ayaa isna lagu helay in muuqaalka uu bixiyay, isla-markaana uu la wadaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif oo ah ninka kusii baahiyay baraha ay ku wada xiriirto bulshada ee Internet-ka.

Labadan nin ayaa sidoo kale lagu xukumay min laba sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale feer celin.

“Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in raggan ay heystaan fursad kale oo ay racfaan ku qaadan karaan, haddii aysan ku qanacsaneyn xukunka maanta lagu ridday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here