Jowhar (caalamka.net) – Wasiirka amniga maamulka HirShabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo ka qayb-galay shir xasaasi ah oo Golaha Wasiirada HirShabelle ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu kulan gaara la yeeshay saraakiisha ATMIS.
Wasiirka ayaa golaha la wadaagay inuu howlgalka ATMIS kala hadlay amniga garoomada ku yaalla deegaanka HirShabelle, maadaama ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu kala hadlay adkeynta amniga garoomada, si looga hortago qalqal amni oo ka dhaca, madaama mararka qaar uu yimaado isku dhac.
Waxaa kale oo uu wasiirku shirka kusoo bandhigay warbixin ku aadan howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
“Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka.
Intaas kadib Golaha Wasiirada HirShabelle ayaa taageeray qodobkaas, waxa ayna soo jeediyeen n la dardargeliyo wada shaqeynta iyo dhaqan-gelinta xoojinta nabadgalyada garoomada diyaaradaha ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi.
Arrintan ayaa daba socota tallaabadii uu qaaday guddoomihii hore ee gobolka Hiiraan, Miudane Cali Jayte oo ku dhawaaqay in diyaarad sidda mas’uul ka tirsan HirShabelle aysan ka dagi karin garoonka magaaladaasi, isaga oo wacad ku maray in uu soo ridayo.
HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdahan ay uga sii darayaan dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi.