Muqdisho (caalamka.net) – Fal-celin Cel celis ayaa ka dhalatay xukun ay maanta Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka ku ridday laba askari oo faafiyay muuqaal si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaas oo ku saabsanaa jirdil loo geystay wiil dhalinyaro ah.
Muuqaalkaas ayaa laga dheehan karaa karayay askar jirdil ka baxsan bini’aadanimada u gaysanaya askari hore oo ilaalin gaar ah oo adeeg u doonta xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho.
Xukunka labada askari ee lagu faafiyay muuqaalkaas ayaa qayb ka ahaa xukunno ay maanta maxkamadda ciidamada ku riday askar lagu helay falka jirdilka ee ka dhacay xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho.
Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ayaa isna lagu helay in muuqaalka uu bixinayo, uu la wadaagay Abuukar Cariif oo ah Cabdullaahi Abuukar Cariif oo ah ninka kusiiyaal baraha ay ku wada xiriireen bulshada Internet-ka.
Labadan nin ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay min laba sano oo ciidan ah iyo sidoo kale feer celin.
“Waxay kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer ilaalinta balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta Nabad Galyada Waddooyinka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maxkamadda.
Sidee looga fal-celiyay arrintaan?
Cumar Naaji: “Maxkamadu waxay dhiirrigelin-galinaysaa aasaaska dawladnimo in aan lasoo bandhigin oo dhibkaas iyo kuwa ka daran la qariyo Ilaahay ayaa noo maqan.”
Shariif Axmed Nuur ayaa isna yiri “Labada askari waxa ay ahayd in la dalacsiiyo maahayn in loo qaatay faadeexeyn iyo mudnaanba in arkay waxa meesha ka jira.”
“Dalkeena wali garsoor iyo garsoor kama jirto waa uun iska awood sheegasho, kii danbiga galay iyo kuwii inuu danbi galay shacabka iyo maxkamada tusay 3 sano iyo 2 sano lagu kala sheegay!!. Qof Soomaali ah sidee ugu dhiiran karaa danbi uu arkay inuu soo sheegay?,” ayuu yiri Liibaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xukun maxkamad.
Warda Cabdiraxmaan Caseyr ayaa tiri: “Kuwa muuqaalada baahiyey abaal marin ayey mudyeen sidee ila tahay laakiin waa ka xumahay.”
Aadan Bulaale ayaa isna yiri: “War dulmi badnidiinaa nimanka muuqaalka muuqaalka daaya. Ilaahey ma taqaaniin miyaa.”
“Muuqaal aad faafisay 2 sano oo qab ah ha kuu horseedo waa cashar nololeed,” ayuu yiri Muumin Raage Axmed .
Maxamed Cali Diiriye oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa yiri “Macnaheedu waxaa haddaanu muqaalkaasi guriga usoo bixi lahaa muwaadinkaasi, ma helin!.”
Cabaas Sheekh Cismaan: “Cadalad ma ahan xukunkaan fal dambiyeed badan aya ka jirta dowlada yaa la sheegin miyaa laga wadaa teeda kale Social Media-ha warshada la keeno ayaa wax laga qabtaa, midaas ayaana ku riixday inay meesha kuso wareegaan.”
Suldaan Samawade Suldaan ayaa isna yiri “Waxaa hubaa hadii lala wadaagi lahaa hay’adaha xeer ilaalinta in aan waxba laga soo qaadin oo horay looga socon lahaa, maxaa ku jaban hadii bulshada lala wadaago mise in la qariyaa rabteen oo meesha lagu baabiiyo markii shacabkii ay kaceen ayaa xukunka rideen.”
“Ninkii ninka naafada ahaa dilayay iyo nimankii bulshada tusiyay xukun miyaa laga dhigay allow hana badin maxkamada maxkamadahaas oo aan wax iska badalin,” ayuu yiri Cabdinaasir Maxamed Jimcaale.
Cabdullaahi Saciid: “Ninka CCTV hadii uusan sameyn laheyn arinkaan ma umalaynayo in uu helo heli lahaa ninkaas curyaanka ahaa ee la dulmiyey.”
“Qofkii soo bandhigo, dhibaatooyinka ka jirto xafiis dowladeed waa la xakumaa, halkii laga abaalmarin lahaa oo kuwa falkaas gurucan geystana laga ganaaxay. Tani ma ahan kaliya xukun lagu riday lab Shaki ee waa fariin ku socota shacabka oo leh ‘war afaaraheena ka baxa haddii kale waa la idin maxkamadeynaa,” ayuu yiri Yaasir Saciid.