Daawo: DF oo soo xirtay ganacsade u awood sheegtay shaqaale ajaanib ah

0
41

Muqdisho (caalamka.net) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ka duulaya cabasho ay si hoose ula soo wadaageen shaqaale ajaanib ah oo ka cabanayey ganacsade Soomaali ah ayaa maanta tallaabo qaaday.

Waxaa lasoo xiray ganacsadahaas oo dalka keenay, kadibna u diiday xuquuqdii ay ugu shaqeeyeen lix nin ajaanib ah, sidoo kale ganacsadahaasi waxaa loo heystaa in shaqaalaha ka soo dacwooday ee Pakistan u dhashay uu ku xareystay meel gaar ah.

Xafiiska ayaa hoggaanka barista dambiyada ee ciidanka booliska Soomaaliyeed faray in baaris lagu sameeyo cabashada dadkaas ajaanibta ah eek a soo dacwooday ganacsadaha Soomaaliga ah.

Taliska booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo xeray milkiilaha shirkad ka shaqeysa dhismaha oo dalkaan keenay shaqaalahaan ajaanibta ah, si ay ugu shaqeeyaan, balse la sheegay inuu u diiday xuquuqdoodii.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo qabashadii ninkaas kadib wuxuu bilaabay baaritaanka kiiskaan, asagoo maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysanaha.

Xeer ilaaliye ku xigeen dalka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa sheegay in xafiiska uu baaris ku wado falka loo geystay shaqaalahaan ajaanibta ah, markii baaritaankaan soo dhamaadana loo gudbin doono maxkamadda gobolka Banaadir, si loo maxkamadeeyo.

Xafiiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka keena shaqaalaha ajaanibta ah, waxaana la faray in ay ka taxadaraan ilaalinta xaquuqda ay leeyihiin, inta ay u shaqeynayaan.

Sidoo kale xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta ballanqaaday in qofkii ku xad-gudba ilaalinta shuruucda aadanaha iyo tan dalkba tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here