Farmaajo ayaa sheegay in 26 June ay tahay maalin qaran oo ku weyn xasuusta dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay muhiim u tahay gobanimada iyo midnimada dalka.
“Caawa oo kale, 26-ka Juun, waxa ay xasuus wayn u tahay muhiimadda ay leedahay gobanimada, midnimada, wadaniyadda iyo sanad guurada ka soo wareegtay dharaartii xornimada Gobollada Woqooyi” ayuu warsaxaafadeedkiisa yiri madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Caawa waxay fursad u tahay malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada in ay u duceeyaan halgameyaashii ragga iyo dumarkaba lahaa ee inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaaladda iyo eexda.”
Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inauy ka shaqeeyaan horumarka dalka.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu xalka maanta ku jiro in la xoojiyp midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed,
“63 sano kaddib waxaa muuqata in dawada kaliya ee aynu ku dabiibi karno dhaawacyada curyaamiyey horumarka dalkeenna ay ku jirto in aan jidkaas dib u qaadno, xoojinno midnimada iyo wadajirka bulshad.” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.
Wuxuu qoraalkiisa kusoo xiray “Aniga oo rajaynaya in aynu weyneyno Toddobaadkan Xorriyadda ee caawa inoo bilowday, si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddaniyadeed.
Soomaaliya ayaa ku jirta todobaadka xoriyadda, ayada oo xalay si weyn dalka looga dabaal-degay 26 June oo ah markii ay xoroobeen gobollada waqooyi ee dalka.
Sidoo kale waxaa haatan loo diyaargaroobayaa munaasanada kowda Luulyo oo iyana maalin kale oo qiimo badan, isla-markaana ay xoreebeen gobollada koonfuree ee dalka.