Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax dhigay taalada Dhagax-tuur, kaasi oo lagu xusayay halgamayaashii Soomaaliyeed ee naftoodii u horey halgankii dheeraa ee dalka Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in xubnahan uu maanta qaaday madaxweynaha ay qayb ka tahay weynaynta ururinta, midnimada iyo geesiyaashii xorriyad u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeen.
“Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weynaynaya dabaaldaga Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii xorriyadda u huray halgankii gobonnimo ee doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ahaa xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iska dulqaadeen heeryadii gumeysiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. .
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlay munaasabadda dabaal-dagayay xuska 26 June ayaa xusay taariikhda taariikhda ee ay ka tarjumayso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.
Waxa uu sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo madaxda wada jirka midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku saabsan Soomaaliya, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibin iyo isu tanaasul.
“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kadib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonno?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu annaganno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha ayaa uguna waxa uu ku baaqay in la midnimada midnimada, si looga gudbo dhibaatooyinka kala xir-xiray Soomaalida, xumaanta si dhab ah looga heshiiyo in aanay markale dib u dhicin wixii tabashadaas sababay.