Muqdisho (caalamka.net) – Umadda Soomaaliyeed waxay u dabaal-degeysay markii ugu horeysay oo calanka Soomaaliya laga teegay ciidda dalkaan oo ku asteysan 63-sano ka hor 26-kii Juun 1960-kii.
Mid ka mid ah wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada Muqdisho ayaa loogu magac-daray maalinta xorriyadda ee 26-ka Juun, balse maanta wadadaasi waa mid burbursan oo dabaal-deg iska daaye aan la marin.
Wadadaan oo isku xirtay isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP ee bartamaha Muqdisho ayaa burbursan gabi ahaanteed, kamana jirin maanta wax dabaal-deg ah, maadaama aan la isticmaalin.
Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo aragtidooda ka dhiibtay burburka wadada 26-ka Juun ee Muqdisho ayaa dowladda kula taliyey in marka hore la dhiso wadadaan, maadaama ay astaan maalinta xorriyadda Soomaaliya.
“In wadadaan sidaan u ekaato waa naxdin, sababtoo ah waxaa loogu magacdaray maalinta xorriyadda Soomaaliya, in sidaan loo dayaco maaheyn, dowladu ha dhisto wadadaan, si ganacsigii iyo BL-kii dadweynuhu raaci jiray ay ugu soo noqdaan,” ayuu yiri mid ka mid odayaashii aragtidooda ka dhiibtay burburka wadada 26-ka Juun ee Muqdisho.
Wadadaan burburkeeda laga cabanayo, isla markaana loogu magac-daray 26-ka Juun, waxay dhex-martaa degmada Hodan, waxayna isku xirtaa wasaaradda gaashaandhigga, isgoysyada Al-barako, KPP ilaa Shaqaalaha.
“Sidaan oganahay Muqdisho bilicdeeda waa la muujiyaan inta badan markii la gaaro 26-ka Juun sanad kasta, wadadaan waxay xaq u laheed in laami la saaro, shacab iyo gaadiidka dadweynaha ay maraan, calanka dalka geesaheeda lagu xardho, maadaama ay ku magacaaban tahay maalinta qiimahaan leh ee sidaan loo weyneeyey,” ayuu yiri wiil ka mid ah shacabkii aragtooda la wadaagay Somalia Cable TV oo warbixintaan diyaariyey.
In kastoo Soomaaliya ay ka soo kabaneyso burbur adag oo soo maray, hadana inta badan wadooyinka Muqdisho ayaa dib loo dhisay, balse waxaa weli jira wadooyin dayacan sida tan oo kale, kuwaas oo maamullada degmooyinka ay ka gaabiyeen inay dayac-tiraan.
Hoos daawo burburka wadada