Muqdisho (caalamka.net) – Masuuliyiinta ugu sareysa hay’adaha ammaanka ayaa saraakiisha howlgalka ciiltire ee lagu sugayo amniga Muqdisho waxay galabta kula shireen taliska ciidanka booliska Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa shir guddoomayey kulankaas oo diiradda lagu saaray gorfeynta amniga iyo xasiloonida caasimadda Muqdisho.
Shirkaan waxaa lagu qorsheeyey sidii loo sii adkeyn lahaa amniga caasimadda maalmaha Ciida iyo toddobaadka lagu jiro ee xorriyada.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, saraakiisha kale ee booliska, NISA iyo masuuliyiinta dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ka soo qeyb galay shirkaas.
Shirkaas waxaa warbixin looga dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka Ciiltire ee Muqdisho ka socda, kuwaas oo ka kala tirsan Boliiska, NISA iyo Polizia Militare.
Saraakiishaan iyo ciidan ay hoggaaminayaan ayaa u xil-saaran amni ku soo dabaalidda caasimadda Muqdisho oo ay ragaadiyeen weerarrada Al-Shabaab, sidoo kale ciidankaan ayaa ka howlgala daafaha caasimada.
Kulankii maanta oo daarnaa, dardargalinta amniga iyo xasiloonida caasimada inta lagu guda jiro maalmaha Ciida iyo toddobaadka xorriyadda ayaa saraakiisha la faray in shacabka Soomaaliyeed ay u fududeeyaan inay u xafladeeyaan si nabad ah.
Amniga Caasimada Muqdisho ayaa soo hagaagaya, tan iyo markii uu bilowday holwgalkaan ‘Ciiltire’ waxayna shacabka caasimadu ka reysteen weerarradii Al-Shabaab.
Kooxda oo looga adkaaday dagaalkii furimaha ayaa sidoo kale laga sii ciribtirayaa caasimadda oo mar hore ay ku xidideysteen, waxaana shalay oo ugu dambeysay ay dowladu la wareegtay guri ay ka soo ridi jireen Hoobiyaha oo ku yaalla degaanka Garasbaaley.