Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa si weyn magaaladaas ugu soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka SSC-Khaatuma iyo waxgaradka deegaanka.
Sawirro laga soo qaaday ciidanka ayaa la arkayay, ayaga oo qalabeysan, isla-markaana kusii jeeda aagga dagaalka ee Laascaanood.
Sida ay ogaatay caalamka.net, ciidankan oo u abaabulan hab beeleed ayaa ka soo baxay degaanka Xingalool ee gobolka sanaag, iyaga oo qeyb ka noqonaya xoogagga SSC ee duleedka magaalada Laascaanood kula dagaalamaya milatariga Somaliland.
Waa markii saddexaad oo ay xarunta gobolka Sool gaarayaan ciidamo ka tegay deegaanka Xingalool oo beesha degta ay si weyn taageero ugu muujibeyso xoogagga SSC-Khaatuma.
Dhanka kale, Somaliland ayaa ciidamo horleh geysay xerada Goojacadde oo ah furinta dagaal ee ugu adag, isla-markaana ay haatan isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi ka muujinaya in mar kale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada ciidan ay guluf ka wadaan duleedka xarunta gobolka Sool.
Dagaallo culus oo u dhexeeyo labada dhinac ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib uga qarxay aagga Laascaanood, kuwaas oo ay barbar socdeen duqeymo khasaare xoogan geystay.
Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.