Itoobiya oo dalalka ‘suuqyada soo koraya’ codsi u dirsatay – Maxay dalbaneysaa?

0
51

Addis Ababa (caalamka.net) – Dowladda Itoobiya oo ka mid ah dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu aadka u kobcayo ayaa codsatay inay ku biirto ururka BRICS ee suuqyada soo koraya.

Khamiistii toddobaadkaan ayaa qoraalka codsiga waxaa soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Itoobiya.

“Waxaan filaynaa in BRICS ay jawaab wanaagsan naga siin doonto codsiga aan sameynay,” ayuu saxaafadda u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem.

Wakaaladda wararka ee dowladda ee ENA, ayuu la hadlay afhayeenku, isaga oo raaciyay “Itoobiya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta hay’adaha caalamiga ah ee ilaalin kara danaheeda.”

Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee ugu tirada badan qaaradda Afrika, balse dhaqaalihiisu uu ku jiro kaalinta 59-aad ee dunida, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Dhaqaalaha Itoobiya wuxuu kala bar ka yar yahay waddanka ugu yar xubnaha BRICS ee Koonfur Afrika.

Wadamada BRICS waxay matalaan in ka badan 40% dadka adduunka iyo ilaa 26% dhaqaalaha adduunka oo dhan.

Erayga BRIC waxa alifay dhaqaaleyahan Goldman Sachs, Jim O’Neill, sannadkii 2001 si uu u qeexo kor u kaca Brazil, Russia, India iyo China.

Awoodaha BRIC ayaa shirkoodii ugu horreeyay 2009-kii ku yeeshay Ruushka, iyada oo Koonfur Afrika ay ku biirtay sanadkii 2010-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here