Xasan Sheekh oo hal arrin ku amaanay reer Laascaanood, fariin culusna u diray S/land

0
42

Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud oo khudbad ka jeedinayay garoonka ee Stadium Muqdisho ayaa hambalyo gaar ah u diray dadka reer Laascaanood oo habeenkii 1-da Luuliyo saaray calamka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Laascaanood waxaa dhawaan laga xoreeyey Soomaalilad oo dadka ku dili jiray haddii ay ku calaamad calanka buluugga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse hadda waxaa magaaladaas buux-dhaafiyey calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo shucuubta kala duwan ee ku nool dalka Soomaaliya uga mahad celinayey sida ay u xuseen ciida ciidamada iyo wadaniyadda ay fuuleen ayaa si gaar ah carrabka ugu qabtay mahad-naqa dadka reer Laascaanood.

“Waxaan si gaar ah hambalyo u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee halkaan aan joogin ee tusay oo dhan ka xusay qiimaha qiimaha badan noo leh ee calanka Jamhuuriyadda saaray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “Magaalooyinka calanka laga saaray waxaa ku jirta Laascaanood o xalay calanka laga saaray, dalka oo dhan ayaa laga xusay sanad guuradaan, laakiin waxaan qaadashada reer Laascaanood ahayd markii ugu horeysay oo si muuqata ay ugu dabaal-degeen. Ururkaada, guuleysta ayaan leeyahay.”

“Inta dhiman waan u dabaal-degi doonaa sanadaha soo socda nabada iyo wanaagga la haysto waa ku nalooneynaa, marka aan saas leeyahay cid gaar ah oo warkaan aan ku xumeynayo ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale Xasan Sheekh wuxuu fariin u diray reer Somaliland, isagoo ugu baaqay midnimo Soomaaliyeed “Walaalayaal Aabayaashiin ayaan keenay midnimada 63-kii ka hor, waxaan ku dayanaa abayaashiin oo xornimada noo horseeday,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in garowshiyo buuxa ay Soomaaliya ka bixineyso dhibka ay ka tirsanayaan reer Somaliland, isagoo ku baaqay in gogol nadiif ah la isugu yeero, iyadoo inta ka horraysa lagu dadaalayo wanaagga iyo nabadda dadka Soomaaliyeed oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here