Beledweyne (caalamka.net) – Guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasow oo maanta u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaaladaasi, oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.
Ugu horreyn Calasow ayaa ka warbixiyay howlgal amni xaqiijin ah oo ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi, kadib markii ay kusoo kordheen dhaca mootooyinka, wuxuuna tilmaamay in laamaha ammaanka ay qaadeen talaabooyin lagu sugayo amniga degmada.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne, wxuuuna farriin u diray ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska oo uu ugu baaqay in aysan ku milmin arrimaha siyaasadda ee haatan taagan.
“Waa iska caadi dhaqanka siyaasadeed mararka qaar inuu buuq dhaco, waana iska xalismaa, balse waxaan rabnaa in aanu saameyn ciidamada ammaanka, sida Booliska, annaga haddaa nahay heer degmo waxaas waxba nagama gelin” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Guddoomiye Calasow oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ka degmo ahaan aysan shaqo ku laheyn arrimahaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan shaqooyinkooda.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in magaalada uu ka shaqeyn doono hal amar, kaas oo ka imaanaya kaliya dowlad goboleedka HirShabelle.
“Magaalada Beledweyne hal amar ayaa ka shaqeynayo waana kan Hirshabeelle” ayuu mar kale shirkiisa jaraa’id ku yiri guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne.
Ugu dambeyn wuxuu baaq culus u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga, una hiiliayaan dowladnimada iyo kala dambeynta.
“Ma dooneyno in loo hiiliyo amni darrada, laakiin waxaan rabnaa in loo hiiliyo dowladnimada, wanaaga iyo kala dambeynta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Cali Jeyte uu dhaq-dhaqaaqyo ciidan uu ka wado Beledweyne, isaga oo uga dhowaaqay maamul la magac baxay ‘Hiiraan State’.