Ruun-nirgood (caalamka.net) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horreysay ka hadashay masaajid ay ku burburisay weerarkii dhawaan ay ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma ee degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu sababta loo burburiyay masaajidkaas ku sheegay in ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa dowladda ay ka dhigteen saldhig ciidan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in masjidkaas ay burburka xooggan u geysteen laga soo abaabuli jiray howl-gallada iyo weeraro ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo hore looga xoreeyay deegaankaasi.
“Masaajidka waxaa saldhig ka dhigtay ciidanka dowladda oo waxay noqotay goob lagu qayilo oo lagala diriro (kooxda) oo dadka masaakiinta ah lagu xabiso,” ayuu yiri Kaba-Kutukade oo la hadlay warbaahinta kooxda Al-Shabaab.
“Marka masaajidkii sidaa noqday waxaa wacnay dadkii aan fasaxa dhismaha (masjidka) awal aan siinay, waxaan ku nidhi meeshaas masaajidkii la isku oga ha lagu soo cesho. Markii ay ku fashilmeen odayaashii iyo dadkii deegaanka waxaa qasab noqotay in wax laga qabto.”
Kaba-Kutukade ayaa waxa uu ku dooday in sababta ay Masaajidka u burburiyeen ay tahay inuu ka baxay xeyndaabkii wixii lagu yaqaanay Masaajidda, “Duminta Masaajid ku sheegaash waa waajib, goob kasta oo afar shey ku sifowda waa in la dumiyo,” ayuu yiri.
Hadalka Kaba-Kutukade ayaa imanaya xilli kooxda Al-Shabaab ay dhalleeceyn xooggan kala kulantay burburinta masaajidkaas oo ay u adeegsatay qarax, kadib weerarkii ay dhawaan ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma.
Weerarkaas kadib ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro laga soo qaaday masjidka weyn ee deegaanka Daaru-nimca oo kooxda Al-Shabaab ay qaraxa ku burburiyeen.