Falcelin ka dhalatay war yaableh oo kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir

0
43

Muqdisho (caalamka.net) – Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay dil ka dhacay degmada Dayniile, kaas oo uu askari ka tirsan ciidamada dowladda u geystay Hooyo Soomaaliyeed.

Warka kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in askariga uu xabadda ku fakiyay hooyada oo goobta ku geeriyootay, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha lagu xiray saldhigga booliska Dayniile, isla-markaana laga qaadi doono tallaabo adag.

“Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga booliska Dayniile ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane xabad ku fakiyay maamo Soomaaliyeed xabadaasi sababtay dhimasho, waxaana la horgeyn doonaa caddaalada.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidee looga falceliyay qoraalka yaabka leh ee kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir?

Qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha, gaar ahaan kuwa ku xiran bogga taliska booliska ayaa si adag uga falceliyay qoraalkan, ayaga oo sheegay in qiil loo raadinayo eedeysanaha.

Cabdicasiis Xaaji oo kamid ah dadka ka facleiyay ayaa yiri “Allah unaxriisto Marxuumada, Lkn maxaa sharciga la hor geynaa idinka ayaa qiil u raadinayee edeysanaha wuu ku fakiye maaha Ee wuu ku dhufte dhaha Mahadsanidiin maadama aad gacanta kusoo dhigteen”.

Xasan Sandheere ayaa isna su’aal adag ka keentay warka Booliska “Ku fakiyay maa dhahdeen?”

Cabdalla Suldaan, isna wuxuu yiri “Kufakiyey miyaa? mise ku dhuftay waaye qoralka amuu qiil radin yahay?”

Mursal Xasan ayaa falcelintiisa ku yiri “Muu Hooyo kala doonay Qori, ma xishoonaayo miyaaa? Ar soomali xagee usocotaa?”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here