Dagaal ka dhex-qarxay Twitter oo Facebook iyo Elon Musk oo ku hanjabay inuu…

0
29

San Francisco (caalamka.net) – Shirkadda Twitter ayaa ku hanjabtay inay maxkamad la tiigsan doonto shirkadda Meta saacado kadib markii ay billowday app cusub oo la yiraahdo Threads oo loogu talo-galay inuu la tartamo twitter.

Warqada uu u diray madaxa shirkadda leh Facebook ee Meta Mark Zuckerberg, oo ay daabacday warbaahinta Semafor Khamiistii, ayaa qareenka Elon Musk, Alex Spiro wuxuu ku eedeeyey Meta “inay si sharci-darro ah u isticmaashay siraha ganacsi iyo hantida caqli,” ee twitter.

Warqadda ayaa ku eedeysay Meta inay shaqaaleysay tobanaan ka mid ah shaqaalihii hore ee twitter “kuwaas oo weli heli karay sirta ganacsi ee twitter iyo xog kale oo aad sir u ah.”

Threads ayaa ah loolankii ugu adkaa ee ay wajahdo twitter, oo uu leeyahay Elon Musk, taasi oo ay kusoo baxeen dhowr app oo kala duwan balse aan awood u yeelan inay suuqa kala wareegaan mid ka mid ah baraha bulshada ee ugu weyn caalamka.

Tallaabadi ugu dambeysay ee uu qaaday milkiilaha Meta Mark Zuckerberg ayaa qeyb ka ah loolanka sii kordhaya ee u dhaxeeya labada bilyaneer oo hadda ku ballansan dagaal feer ah.

Threads ayaa kasoo muuqatay halka app-ka lagala soo dego ee Apple iyo Android ee 100 dal Arbcadii, waxaana falcelin horudhac ah ay muujineysaa inay shabahdo twitter.

Saacado gudahood ayaa waxaa lasoo degay in ka badan 30 milyan oo qof, sida uu Khamiistii sheegay Zuckerberg.

“Waxay u egtahay billowga wax gaar ah, balse weli waxaa na sugaya shaqo badan si aan u dhisno app-kan,” ayuu Zuckerberg kusoo qoray cinwaankiisa Threads.

Waxaa durba akoono ka sameystay shaqsiyaad caan ah sida Jennifer Lopez, Shakira, Oprah Winfrey iyo Hugh Jackman, iyo sidoo kale warbaahin ay ku jiraan The Washington Post iyo The Economist.

Qoraal uu Elon Musk soo dhigay twitter, oo la xiriira tallaabada sharciga ah ee ka dhanka ah Meta, ayuu ku yiri “tartanka waa wanaagsan yahay, balse qishka maya.”

Afhayeen u hadlay Meta, Andy Stone ayaa Threads kusoo qoray “ma jiro qof ka mid ah kooxda Injineerada Threads oo horey u ahaa shaqaale Twitter — taasna ma ahan wax jira.”

AFP, VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here