Weerar ku billowday QARAX oo lagu qaaday ciidanka Itoobiya ee BAKOOL

0
28

Xudur (caalamka.net) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ku bilowday qarax miino oo maanta lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo ku sugan gobolka Bakool,

Ciidankan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa lagu qarxiyay inta u dhexeysa degmooyinka Rabdhuure iyo Waajid, waxaana kadib xiga dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaada dagaal socday hal saac uu dhexmaray Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Labada dhinac oo siyaabooyin kala duwan uga hadlay dagaalkan ayaa guullo waa weyn ka kala sheegtay, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha soo kala gaaray.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana howlgallo culus ay ka socdaan agagaarka magaalada Xudur, halkaas oo ay isku ballaariyeen ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ee la weeraray.

Sidoo kale weeraro kale oo qorsheysan ayaa xoogana Al-Shabab waxa ay ku qaadeen saldhigyo kale oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin degmooyinka Qoryooley, Baraawe iyo deegaanka Janaale oo ka wada tirsan Shabeelaha Hoose.

Waxaa jira weerar kale oo ay ka hortageen ciidamada ATMIS oo isna ka dhacay deegaanka Baladul Amiin oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ciidamada howlgalka ATMIS Lt Col Abdullahi Hassan Ganale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday nay uga hortageen weeraro abaabulan oo ay Al-Shabaab la damacsaneyd ciidamadooda.

Col Abdullahi Hassan ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku dileen ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana qayb ka ahaa weerarka gaadmada ah.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan la filayo inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qaybgalayaan dalalka dariska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here