SOMALILAND oo DF ka bari yeeshay dagaalka Laascaano

0
63

Hargeysa (caalamka.net) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah waxay dowladda federaalka uga bari yeesha inay wax lug ah ku leedahay colaadda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in maamulka Puntland uu si gaar ah mas’uul uga yahay colaada Laascaanood, lakiin aanay dowlada Soomaaliya wax lug ah ku lahayn.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ciidamo soo dhoobay deegaanka Tukaraq, islamarkaana uu hagayo dagaalka. “Xalay ayay soo dageenka Tukaraq, dagaalkaas isaga ayaa hagaaya,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin oo warbaahinta la hadlay.

Waxa uu sheegay in Somaliland, shacabka Laascaanood iyo dowlada Soomaaliya midkoodna aanu mas’uul ka ahayn colaada, lakiin uu maamulka Puntland hurinayo.

“Inaga iyo shacabka reer Laascaanood-ba arrintaa beri ayaynu ka nahay, cida arrinta wadaana waa maamulka Puntland, maaha maamulka Xamar, maaha maamulka Soomaaliya, waa maamulka uu Dani madaxda ka yahay ee Puntland,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa kale oo uu sheegay in kooxo argagixiso ahi ay colaada gacan wayn ka gaysanayaan, isaga oo sheegay in qaar kood lasoo qabtay, garaadada iyo siyaasiyiinta deegaanka Laascaanood, ayaa marar dhowra beeniyay sheegashada Somaliland ee argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marar badan ku baaqay in la joojiyo colaadda Laascaanood, islamarkaana wada-hadal lagu xaliyo arrimaha la isku hayo.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale marar badan, sida ay Caasimada Online xog ku heshay, iska caabiyey dadaal ay odayaasha deegaanka iyo Puntland ku doonayeen in dowladda hub ugu dirto maleeshiyada deegaanka, wuxuuna ogolaaday kaliya gargaar bani’aadannimo oo dhowr jeer halkaas la geeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here