Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay go’aan saameynaya 130 xildhibaan

0
34

Muqdisho (caalamka.net) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo guddoomay kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada ayaa ka hadlay maqnaanshaha xubnaha qaar ee kulanka Golaha.

Sheekh Aadan ayaa shaamac ka qaaday in kala bar xildhibaan ay maqan yihiin, taasna ay saameyn ku yeelatay shaqooyinka shaqo ee baarlamaanka soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in fadhiyadii u dambeeyay ay soo jeedinayeen 145 Mudane oo diiday dib usoo dhacay, inta kalena ay maqnaayeen isaga oo tirada maqan ku sheegay 130 xildhibaan. Tirada guud ee xildhibaanada ayaa 275 oo metalaya shacabka.

Sidoo kale waxa ku daray in xildhibaanada maqan aysan wax fasax ka qaadan guddoonka Golaha Shacabka, isla-aas ay gabeen goyn iyo metelaadooda.

“Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa guud ahaan nahay 275 Xildhibaan, fadhiyada waxaa imana 145 Mudane halka ay maqan yihiin 130 kale oo aan wax cudurdaar ah ama fasax ah helin wax badan laga heyn, Xildhibaanno badan ayaa inta badan nagu soo gaarayo sababta oo ah maxaa u maqan. sax hadalkaas balse waxa ay ahayd in aan annaga dhahno oo aan la xisaabtanno” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in loo baahday in la dhaqan-geliyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, si loolamo xildhibaanada maqan.

Waxaa kale oo uu ku goodiyay in mudanayaashaasi la marin doonno Xeer Hoosaadka oo uu tilmaamay inuu dhigayo in haddii xildhibaanku maqnaando fasax la’aan la siiyo uu xilka ku weynayo.

Marar badan ayaa guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u diiqday xildhibaanada iska maqan ee aan soo jeedinin loolan balse ma jirto wax kasoo naasa cadaaday digniintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here