Muqdisho (caalamka.net) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qanka, Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlaayay warfidiyeenka ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda federaalka iyo Puntand, isaga oo shaaciyay inuu hadda u socdo wadahadal hoose.
Ugu horreyn agaasimaha ayaa ka warbixiyay sida uu ku billowday khilaafkan oo ugu dambeyn sababay inay kala tegaan labada dhinac, maadaama ay Puntland ku gacan seertay shirarkii ugu dambeeyey ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamullada.
“Lixdii kulan ee lasoo dhaafay oo qayb kamid ah ay Puntland ka maqneyd mar walbaa si joogta ah ayuu Puntland u casuumaayay madaxweynuhu, ra’yigeedana la dhageysanaayay, welina fursadeedii waa uu taallaa oo meel looga socdo oo gaar ah ma jirto” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay Puntland ula mid tahay maamullada kale, isla-markaana aysan ka tegi karin labada dhinac.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay haatan isku baahan tahay, isla-markaana loo baahan yahay in la eego danta guud, la’iskuna tanaasulo.
“Puntland maqnaashaheeda sida dadkan loola tashanaayo ayaa diyaar loola yahay in loola tashado Soomaaliyana way isu baahan tahay, Puntland-na Soomaaliya ayay u baahan tahay, Soomaaliyana hadda ma awoodo in dowlad goboleed ay gooni uga istaagto marka mabda’ guud waayay oo hoos imaanayo Soomaali Heshiis ah” ayuu mar kale yiri Xuseen.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaciyay xog ku aadan in wadahadal hoose uu haatan u socdo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, kaas oo looga hadlayo xiisadda dhex taalla, si xal waara looga gaaro.
Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale guul ka rajeeyay wadahadallada haatan socdo, si ay Puntland ugu soo laabato saaxadda, xalna loogu helo tabashadeeda.
“Wadahadalka waa furan yahay si hoose ayay hadda u socdaan waxaan rajeynaa Insha Allaah inay miradhasho oo la’isku yimaado oo tabashada laga wada-hadlo” ayuu raaciyay.
Puntland oo horay usoo eedeysay Villa Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, taas oo keentay inuu go’o xiriirkii Muqdisho iyo Garoowe.